Sen. Abshir Axmad
Sen. Abshir Axmad

@SenatorAbshir

16 تغريدة 24 قراءة Jun 06, 2020
Dhudahan qoraaleed (Threads) ee hoos ku xusan waxaan idinkugu ku soo gudbinayaa dulucda hadaljeedintii Guddoomiyaha #AqalkaSare Sen. Cabdi Xaashi uu ka jeediyey maanta furitaankii kalfadhigii 7aad ee #BFS.
“Haddaba, Aniga oo ku hadlaya magaca Golaha Aqalka Sare ee #BFS, waxaan munaasabaddaan tacsi ka dirayaa dhammaan dadkii inooga geeriyooday, Eebbana uga baryayaa in uu jannadiisa fardowso ka waaraabiyo, inta uu hayana Eebbe u yasiro”.
𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐔𝐮 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲
“Muddadii kalfadhigii la soo dhaafay ee 6aad Goluhu wuxuu asixiyay 16 sharci oo aad muhim ugu ah maaliyadda, doorashooyinka iyo maamulka guud ee dalka, kuwaa oo kala ah:
1. Sharciga Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka;
2. Sharciga Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda;
3. Sharciga Xafiiska Madaxbannaan ee Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka
4. Sharciga Howlgabnimada, Xaqsiinta, iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida;
5. Sharciga Shirkadaha;
6. Sharciga Batroolka;
7. Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud;
8. Sharciga Wax-ka-beddelka Xeerka Saxaafadda;
9. Sharciga Maamulka Dakhliga;
10.Sharciga Wax-ka-beddelka Sharcigii Iibka & Qandarasyada Qaranka;
11. Sharciga Canshuuraha Furdooyinka;
12.Sharciga Istaatiistikada Qaranka;
13.Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal;
14.Sharciga Miisaaniyadda Qaranka;
15.Shirciga Duulista Rayadka;
16.Sharciga Jaangoynta & Tayo-dhowrka Soomaaliyeed;
F.G. Wax Hindise-sharciyeed ah oo Golaha Aqalka Sare horyaal ma jiraan waqtigaan xaadirka ah, wxuuna diyaar u yahay in Goluhu ka howlgalo shuruucda imaan doonta ee lagama maarmaanka u ah doorashooyinka iyo dib-u-eegida dastuurka.
“Labadii Guddi ee u xilsaarnaa dibu-eegista dastuurkan KMG ah oo ay Wasaaradda Dastuurkuna kaalineyso waxay soo ebyeen dibu-eegistii dastuurka, waxayna u soo gudbiyeen qabyo-qoralkii dibu-eegista labada Gole ee BFS oo looga fadhiyo in ay bilaabaan ka doodiddiisa kalfadhigan 7aad”
Arrimaha Doorashooyinka
Kalfadhigii 6aad waxaynu ansixinay Sharcigii Doorashooyinka Qaranka ee heer federaal, waxaana inoo qorshaysan in aannu ansixinno kalfadhigan 7aad sharci qabyatiraya sharcigii doorashooyinka oo aannu u xilsaarnay Guddi wadjir ah oo ka kooban #LabadaAqal.
Waxaan iyana aan ku tala jirnaa in aannu meelmarinno sharciga wax-ka-beddelka Sharcigii Axsaabta Siyaasadda”.
“Qabashada doorashadan heer federal waxaan looga maarmeyn in wada tashi degdeg ah ay isugu yimaadaan dhammaan Xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, DXDF iyo daneenayaasha siyaasadda si loo helo qaab raali la isaga yahay oo doorashada lagu galo”.
“Waxaan filayaa in Baarlamaanka isu xilsaari doono doorka isu keenidda dhammaan qaybahaa kala duwan ee aan looga maarmin qabashada doorashooyinka heer federal”.
Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka
#AqalkaSare ee #BFS, wuxuu ku adkeynayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay gudato doorka kaga aaddan dhismaha Golaha Adeegga #Garsoorka oo ay u soo gudbiyaan xubnaha ay soo sharraxaan kalfadhigan 7aad ee BFS ..."
"..si uu isaguna uga guto doorka kaga aaddan dhismaha Golahaasi oo saldhig u noqon karaya helitaanka garsoor madaxbannaan oo ay ku jirto Maxkamadda Dastuurka oo iyadu u xilsaaran go’aan ka gaarista khilaafaadka dastuuriga ah ee labada heer Dowladood & arrimaha dastuuriga oo idil”
“Waxaa Iyana looga maarmeen doorashooyinka foodda innagu soo haya oo haddii dacwado ka yimaadaan, go’aan ka gaariddooda ay awood u leeyihiin garsoor madaxbannaan”.
“Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqayaa Xukuumada Federaalka & Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka in wada hadal ay ku dhameeyaan khilaafaadka u dhaxeeya, iyagoo u turaya dadka Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya caabuqa COVID-19, fatahaadda wabiyada, amaan la’aan & dhaqaale xumo”.

جاري تحميل الاقتراحات...